CIYAARTA CAAWA {faallayn kooban}

0
477

CIYAARTA CAAWA {faallayn kooban}

Caawa waxaa qaaradda yurub laga ciyaarayaa kama dambeysta [Final] Koob kamid ah kuwa ugu xiisaha badan caalamka, gaar ahaanna ay ciyaaraan kooxaha qaaradda yurub ugu tunka iyo tabarta roon, waa koobka horyaallada yurub ee loo yaqaan {Uefa Champions League}.
Ciyaartaan kama dambaysta ah ayaa waxaa caawa isku fara saari doona laba kooxood ee kala ah Liverpool oo England ka timid iyo Real Madrid oo Spain ka timid, waa ciyaar aad iyo aad u xiisa badan aadna loo wada sugayo billaabashadeeda iyo waxa ay ku dhammaan doontaba.
Maahan markii ugu horreysay ee labadaan kooxood ay isku fara saaraan fiinaalka koobkaan, 1981kii ayey sidaan oo kale foodda isku dareen, kolkaas oo naadiga Liverpool ay hal iyo waxba ku sagootiyeen kuwa caawa la hardami doona (Real Madrid).
Waxaa ciyaartaan garsoore ka noqon doona Milorad Mazic oo reer Seerbiya Montaneegaro ah, 7dii bishaanna ay xiriirka kubbadda cagta ee qaaradda yurub ku magacaabeen garsooraha rasmiga ah ee kulankan sida weyn loo wada sugayo.
Real Madrid waa naadiga ugu guulaha badan dhammaan 20ka kooxood ee koobkaan ku guulaystay, 12 jeer ayey qaadday haddana waxay doonaysaa inay markeedii 13aad qaaddo, halka Liverpool oo 5 jeer qaadday ay doonayso inay markeedii 6aad la carrowdo.
Marka loo eeggo saadaasha ay dadweynaha caalamku dhiibteen, Real ayaa loo badinayaa inay si sahal ah kaga tillaabsan karto Liverpool ayna markii saddexaad oo isku xigta dhabarka u ridan doonto koobkaan, balse Liverpool oo ah shufto aan dabyar shidayn ayaa shaarar iyo kastuumooyin gaduudan isoo xiran doona inay saadaashaas biyo wasakh ah ku shubaan.
Real waxaa wata tababare u tabcan una tababaran sida loo ciyaaro kulammada koobkaan, waa qabiir muddo usoo dheelayey naadiyo waaweyn oo champions ah soda juventus iyo Real oo kale, haddana waa macalimkii labadii sanoo lasoo dhaafay koobkaan u qaaday Real Madrid waana nin kooxdiisa dheelsiin kara farsamooyin badan oo lama filaan ah.
Tababaraha Liverpool laftiisu maahan igu soo orod, waa macallim xariif ku ah sida ciyaartoyda loo kala sabo niyaddana loogu dhiso, 2013kii ayuu finalka koobkaan yimid tababare Klop, kaddib markuu ciyaartii Nus-dhammaadka kaga soo tillaabsaday Real oo ay caawa Kiev isku fara saari doonaan.

Marka dib loo eego taariikhda ciyaarta fiinaalka ah ee koobkaan, marar badan ayey dhacday inaan waqtiga loogu tala galay ciyaarta aan lagu kala adkaan ee waqti dheeri ah lagu daro, waxaa kaloo mararka qaar dhici jirtay inaan waqtigaas dheeriga ah ee lagu daray lagu kala bixi waayey ee rigooreyaal lagu kala saaro.
SIDAAN iyo XILLIYADAAN AYEY KALA AHAAYEEN:

Fiinaallada waqti dheeri ah kaddib lagu kala badiyey ee aan rigooreyaal laysla gaarin:-
>1958 RealMadrid 3-2 Milan
>1968 Man United 4-1 Benfica
>1970 Feyenoord 2-1 Celtic
>1992 Barcelona 1-0 Sampdoria
>2014 RealMadrid 4-1 Atletico Madrid

Fiinaallada waqtigii dheeriga ahaa lagu kala bixi waayey ee rigooreyaasha laysla gaaray:-
>1984 Liverpool FC* 1-1 AS Roma
>1986 Steaua Bucurest* 0-0 Barcelona
>1988 Psv Eindhoven* 0-0 Benfica
>1991 Red Star Belgrade* 0-0 Marseille
>1996 Juventus* 1-1 Ajax
>2001 Bayern Munchen* 1-1 Valencia
>2003 AC Milan* 0-0 Juventus
>2005 Liverpool* 3-3 AC Milan
>2008 Man United* 1-1 Chelsea
>2012 Chelsea* 1-1 Bayern Munchen
>2016 RealMadrid* 1-1 Atletico Madrid
Calaamadda {*} naadiyada wata ayaa ah guulaysteyaasha kulammada.

Kooxda ciyaartaan kama dambaysta ah badisa ayaa account-ga loogu shubi doonaa 15.5 Milyan oo Yuuro, halka tan laga adkaado lafteedu ay hanan doonto 11 Milyan oo Yuuro.

Ma Saadaalinayo cidda qaadaysa balse waxaan saadaalinayaa in si xun laysaga adkaan doono oo labada kooxood middood ay quusato kahor intaan ciyaartuba dhammaan.

Anigu Liverpool ayaan si tobalcaaraa u taageersanahay maadaama aan Real aad u necbahay!

Ramadaan Kareem.

W/Q: Bashiir Cali Bare

HINTERLASSEN SIE EINE ANTWORT

Please enter your comment!
Please enter your name here