HABDHAQAN iyo HAWLAHEEDA

0
575

Madasha Habdhaqan waxaa ku bahoobey qaybo badan oo ka tirsan bulshada ku dhaqan. dalka Switzerland, waxayna laamo ku leedahay inta badan gobollada dalka sida,  Zug, Luzern, Uri, St Gallen, Zurich, Bern IKB.

Madasha Habdhaqan ayaa ujeedkeeda ugu weyni yahay in la helo bulsho ku midaysan aragti oo ka madax bannaan is diidooyinka bulshada Soomaaliyeed raggaadiyey, waxay leedahay qaybo kala duwan sida:

Kooxo, Fanniin, Ciyaartoow hiddaha iyo dhaqanka, Ciyaartooyda Kubbada,  Qorayaal iyo Barayaal Afafka kala duwan ah,  Ururada isdhexgalka,  Ururada dhaqanka iyo hiddaha.

Waxaa kale oo habdhaqan doonayaan iney  dhammaan qaybaha bulshada oodhan la falgalaan, sida, Odayaasha, Aqoonyahanada, Culumadda Rag iyo dumarba leh si loo helo Bulsho isku duubanoo leh ujeedo middaysan.

Habdhaqan waxaa ka caagan dhammaan arrimaha kala dilaya ama kala qoqobka ah, sida  Midabtakoorka, Xagjirnimada, Qabyaallada arrimaha lidka ku ah xasiloonida bulshada oodhan.

Habdhaqan waa madal ay ku bahoobeen dad iyagu isu xilqaamey inay ku shaqeeyaan si iskaa wax u qabso ah oo aan lahayn ujeeddooyin dhaqaale iyo xil toona.

Mahadsanidiin.

Hawl wadeennada HABDHAQAN.

HINTERLASSEN SIE EINE ANTWORT

Please enter your comment!
Please enter your name here