Koobka ciyaaraha Kubbada Tartanka Horyaalka Habdhaqan
Koobka Sanadlaha ee Tartanka kubbada cagta ee Horyaalka Habdhaqan ayaa waxaa lagu qabtay caasimadda dalka Switzerland ee Bern waxaana soo abaabulay Madasha Habdhaqan, Koobkan ayaa waxaa ku tartamayey kooxo badan oo ka kala socda gobollada dalka Switzerland oo kala ahaa, St Gallen, Zurich, Zug, Luzern, Bielbien, Bern iyo Neuchtel,
Koobka ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha ciyaaraha ee ka kala socday gobollada dalka iyo dadweyn badan oo ku dhawaad 200 qof gaadhaya, waxaana halkaas ka dhacay ciyaaro aad u xiiso badan oo soo jiitay dhammaan ka qaybgelayaashi, ugu dambeyntiina waxaa isugu soo hadhay ciyaarta kama dambeysta ahayd, Gobollada kala ah, Bern iyo Zurich oo halkaas ay guusha ku raacday ciyaaryahanadii ka socday Gobolka Bern.
Waxaa halkaas lagu gudoonsiiyey labada kooxeed koobka kaalinta koowaad iyo koobka kaalinta labaad sidoo kale waxaa iyaguna la bixiyey abaalmarino la kala siiyey ciyaartooydii ugu wanaagsanayd, halka uu ciyaartawga ugu wanaagsan la siiyey abaalmarintiisa, Ciyaartooyga lagu magacaabo Xamaate oo ka socday gobolka Bernwaxaa sidoo kale ciyaartooyga ugu goolalka badan abaalmarintiisa la gudoonsiiyey Ciyaartooyga la yidhaahdo Maxamuud oo ka socday gobolka Zurich.
Bahda iyo Madasha Habdhaqan waxay u mahad celineysaa, Martigeliyaha koobka, Qaasim Abuu bakar iyo dhammaan odayaashii ka soo qayb galay.Daadir Cabdulle, Axmed Saalin, Maxamed Malta .
Waxaa kale oo mahadcelinaysaa si gaar ah Bahda Habdhqan Mulkiilaha Salaama Super market oo ku yaal magaalada Bern oo gacan weyn ka geystay suurtagelinta qabashada koobkan.
Habdhaqan ciyaaraha.