Waxaa maanta lagu qabtay magalada St. Gallen tartankii, garoonka Schönenwegen, kubada cagta qaboobaha oo ay soo qaban qaabiyeen Handhaqan FussballVerband oo sanad kasta isku howlaan in ay qabtaan tartano nuucaan oo kale ah.
Tartanka oo sanadkan ka duwanaa sanadihii hore ayaa waxaa ka soo qayb galay ilaa 8 kooxood oo loo kala qaybiyey labo Group A iyo B.
Waxaana Group A ku wada jiray
Zürich
Biel
Uri
Appenzell
Halka Ay Group B ku wada jireen
Luzern
Bern
Zug
St Gallen
Sidii cada ahayd tartanka ayaa ku bilowda dardar aad u xoogan iyadoona ay kooxaha soo bandhigeen kubad aad u qurxan oo ay u riyaaqeen dad weynihii kasoo qaybgalay oo usoo dawasha tagay si aan looga sheekeyn waxa halkaas ka dhacayo.
Wareegii koowaad ee koobka ayaa waxaa usoo baxay 4 koox kuwaas oo kala ah Luzern vs. Appenzell iyo Bern vs. Zürich waxaana finalka usoo gudbay kooxaha uu xifaaltanka ba’an ka dhexeeyo Ee Bern vs. Luzern kuwaas oo soo bandhigay kulan aad u xiiso badnaa oo ay aad uga maqsuudeen tageerayashii usoo daawasho tagay waxayna ciyaartii finalka kusoo gaba gabowday 1: 0 oo ay guusha ku raacday kooxdii ku ciyaareysay magaca Bern . Sidoo kale kooxda Luzern ayaa kalinta labaad ka gashay tartanka.
Waxaa sidoo kale ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa la gudoonsiiyey Rug cadaaga kooxda Luzern weerarka uga ciyaarta Ayaanle Axmed Warsame (Best player) halka uu gool dhaliyihii ugu goolasha badnaa ku guuleystay Cumar Bariise oo weerarka uga ciyaara Luzern (Top scorer) sidoo kale gool hayihii ugu wanaagsanaa waxaa ku guuleystay Muhibo qabtaha kooxdii koobka qaaday Ee Bern (best goalie).
Ugu danbayna waxaa si habsami leh noogu soo gaba gaboobay tartankii quruxda badnaa kaasi ay soo qaban qaabisay Habdhaqan FussballVerband oo mar walbo isku howla haqabtirka haabiyaha dhalinyarada ku nool wadanka swisska dhanka Sports-ka, luqada soomaliga iyo dhaqanka.
Ahmed Nuur Daacad, Luzern